Saturday, April 15, 2023

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa tobankii sano ee ugu dambeysay waxa ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic horumarineed oo

 

Imaaraatka iyo somalia

Imaaraatka Carabta ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Soomaaliya la garab taagnaa sodonkii sano ee la soo dhaafay, kadib markii ay Soomaaliya ka dhaceen dagaalo sokeeye sanadkii 1991-kii, waxaana inta badan dalalkaasi ay albaabada u laabeen Soomaalida ka cararaya cadaabta dagaalada iyo aafooyinka, Imaaraadka waxa uu ahaa. magangalkooda kaliya.

Hay'adaha gargaarka ee Imaaraadka, gaar ahaan Bisha Cas, waxay Soomaaliya ka shaqaynayeen sagaashamaadkii; In shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo adeegyada bini’aadantinimo iyo kuwa horumarineed, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen shacab aad u badan.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa gargaar caafimaad u fidisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ugu horeyntii ay dhistay isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale Imaaraadku xarumo caafimaad ka furteen magaalooyin badan oo Soomaaliya ka tirsan, sida Marka, Afgooye, Baydhabo, Jowhar iyo Kismaayo.

Imaaraatka Carabta ayaa kaalin weyn ka qaatay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerto dhanka ammaanka, iyadoo tababar siin jirtay ciidamada ammaanka, sidoo kale Imaaraadka ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeeda. Taasi waxay curyaamisay isu socodkii badda ee caalamiga ahaa, waxayna saamayn taban ku yeelatay sumcadda dalka.

Tan iyo markii ladoortey xasan sheikh Imaaraadka waxa uu aad u daneynayay in uu taageero dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana ciidamada qalabka sida ay kaalin muuqata ka qaateen dhismaha ciidanka iyo sidii loo dhisi lahaa ciidan awood leh oo ka hortaga weerarada kooxaha xagjirka ah.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog