GURIGA »
Adduunka
» Madaxweyne xasan sheekh oo casuumaad ka helay dhigiisa imaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka
Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Axmed Jumaa Al-Rumaythi.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha waxa uu dhambaal qoraal ah ka helay
Sheikh Mohammed bin Zayed, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, taasoo ay ku jirto
casuumaad uu kaga qeyb galayo shirka COP28 ee
Cimilada Adduunka , kaasoo lagu wado in lagu qabto Dubai bisha soo socota ee
December.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa mahadcelin iyo bogaadin u soo jeediyay
Safiirka, isagoo dhanka kale u sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada
dal ee walaalaha ah.
Xiriirka soomaaliya iyo imaaraadka ayaa ah mid sal adag leh, iyadoo
Imaaraadku uu safka hore kaga jiro kaalmaynta Soomaaliya ee arrimaha
bini’aadantinimada, wuxuuna door muuqda oo dhanka amniga ah ka qaataa
taageerada dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo kaalmaynta amniga ee dagaalka
lagula jiro argagixisada.
0 Comments:
Post a Comment