GURIGA »
Siyaasada
» RW Xamse Barre oo Daahfuray Adeegga Isku Xirka Shirkadaha Isgaarsiinta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi
Barre, ayaa Daah-furay hirgelinta Adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta
Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala
duwan ee ka jira gudaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka
in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq
muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.
Mudane Xamse oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada
Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar sameyn
karin haddii aan muwaadiniintiisu si sax ah u bixin canshuuraha lagu
horumarinaayo dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay
laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in
shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo
amniga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda
Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan.
0 Comments:
Post a Comment