GURIGA »
somalia
» NEWS Shirka Maalgashiga Caalamiga Ah Ee Soomaaliya Oo Lagu Soo Gebagebeeyey Muqdish
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa galabta soo xiray
Shirweynaha Maalgashiga Caalamaiga ah ee Soomaaliya oo shalay iyo maanta ka
socday Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka
Soomaaliya uu leeyahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku sheegay in
xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn sharciyada
dhaqaalaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda ganacsi laga
sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita maal-gashadayaasha.
Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga maalgashiga shisheeye,
kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad ku saleysan.
Mudane Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare ee maal-gelinta
shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha maal-gashiga dalka,
sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta maal-gashiga shisheeye
oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay inuu dhiirri geliyo,
soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo maal-gelinta shisheeye ee
tooska ah.
Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu horreeyay oo
nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo
horumarinta dhaqaalaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku weydaarsaday
fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan geliyo lagana
faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay Soomaaliya
hiigsaneyso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo
ay kasoo qeyb qeybgaleen Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada,
Maalgashadayaal caalami ah iyo Marti sharaf kale.
0 Comments:
Post a Comment