GURIGA »
somalia
» Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee Machadka Heritage
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Jabuuti ku daah-furay shirka sanadlaha ah ee
Machadka Heritage.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey martigelinta dowladda Jabuuti
ee shirkan iyo Machadka Heritage oo soo qaban-qaabiyay, waxuuna sheegay in
shirka muhiimad wayn ugu fadhiya bulshada ku nool geeska Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u rajeeyey doodaha shirka ee maalmaha soo socda
in wax wayn oo bulshada geeska Afrika wax tara ka soo baxaan, isagoo
ganacsatada Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti ku ammaanay dhaqaale ku bixinta
nabadda dadka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale munaasabadda furitaanka ku soo
hadal qaaday dadaalkii madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu 24
sano ka hor u isaatagay ee dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo bogaadiyey doorka
wanaagsan ee ciidanka Hiil walaal ee Jabuuti ku leeyihiin nabad ku soo
dabaalidda Soomaaliya.
Shirka ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa kobcinta dhaqanka nabadda
geeska taas oo saamayn u leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan
bulshada Soomaaliyeed.
0 Comments:
Post a Comment