Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee
caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda
Jamhuuriyadda Jabuuti.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka kulanka
41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka
qaaday Villa Soomaaliya.
Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo
in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.
Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid
yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan
madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan
caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.
Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya
ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo
wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.
Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo
laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay
shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.
0 Comments:
Post a Comment