Sunday, December 10, 2023

Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo korortay

 

hay'adda Maareeynta Masiibooyinka SODMA

Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120 ruux.

Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku dhinteen gobolada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.

"Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120 ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay, Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shabaab" ayuu yiri guddoomiyaha hay'adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in deegaanada qaar ay gaarsiiyaan gargaar, kadib markii garoomada diyaaradaha intooda badan ay ku xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.

Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog