GURIGA »
cimilada.
» Guddoomiyaha SoDMA oo beesha caalamka ka codsaday in ay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay daadadka ELNINO
hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA
Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in doomihii ay u direen gobolka
Gedo ay wax badan ka tareen badbaadinta shacabka ay daadadka iyo fatahaaduhu
saameeyeen.
Guddoomiyaha oo ka mi ah wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaraha XFS oo
booqasho ku tagay Degmada Doolow ayaa intaa raaciyay in dhibaatada ugu daran ay
tahay isu socodka dadka iyo badeecadaha maaddaama ay biyaha kala xireen.
hay’adda SoDMA oo baaq dag dag ah dirtey
Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere iyo Dooloow ay
ahaayeen goobaha ugu daran gobolka Gedo ee ay xoogga saareen, wuxuuna intaa
raaciyay in ay degmooyinka kale ee gobolka ay gaarsiin doonaa doomo.
Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ugu dambayn guud ahaan hay’adaha
samafalka ka codsaday in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen
daadadka iyo fatahaadaha.
0 Comments:
Post a Comment