GURIGA »
somalia
» RW Soomaaliya Mudane Xamse oo xaqiijiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay ciribtirka musuq maasuqa
Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta ka qaybgalay munaasabad
lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee La-Dagaallanka Musuq-maasuqa, ayna soo
qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa caddeeyay in
xukuumaddu ay biliaabeyso kacdoon lagula dagaalayo Musuq-maasuqa si sare loogu
qaado hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Mudane Xamse ayaa munaasabadda ka sheegay in Musuq-maasuqu uu yahay
cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaas oo sababa horumar
la’aan dhaqale, inaan laga faa’iideysan khayraadla dalka, inuu hoos u dhaco
dakhligii dowladda uga soo xaroon lahaa gudaha, inay hoos u dhacdo sumcadda
qaranka, in bulshadu aamini weyso dowladda, in dadka aqoonta iyo kartida leh ay
waayaan fursad ay ugu shaqeeyaan dowladda iyo inuu bulshada kala fogeeyo uuna
abuuro dabaqado kala sarreeya
Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay
cirib tirka Musuq-maasuqa ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo
dowladda oo wadajira ay la dagaalaan, oo dhaqan musuq naceyb ah buslada laga
dhex abuuro maadaama toosinta nidaamka dowliga ah kaliya uusan ku filneyn la
dagaallanka Musuqa.
Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka
weyn Musuq-maasuqa oo dalkeenna heysto marka laga reebo kooxda Khawaarijta,
sidaa darteed ay xukuumadda dagaalka ay kula jirto Khawaarinta ku xijin doonto
Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuq-maasuqa dalkeenna ragaadiyay.
0 Comments:
Post a Comment