GURIGA »
caalamka
» RW Soomaaliya iyo Seerbiya oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi
Barre ayaa waxa ay khadka telefoonka maanta ku wada xiriireen Ra’iisul
Wasaaraha dalka Seerbiya, Ana Brnabić oo ay ka wada hadaleen xoojinta iyo
adkeynta iskaashiga iyo xiriirka wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo
Seerbiya.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kala hadlay in Dowladda Seerbiya inay naga cafiso
deynta kadib markii uu sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda DanQaran iyo
shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn
cafinta.
Dowladda Seerbiya oo kaalmada bina’aadanimo soo gaarsiisay dadkeenna
xilligii ay abaartu jirtay, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu mahadceliyay, isagoo ku
bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan.
0 Comments:
Post a Comment