GURIGA »
gudaha dalka
» Md Xasan Sheekh oo cadeeyay hadafkiisa ugu dambeeya inta uu xilka joogo
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa
kalsooni ka muujiyay in duullaankiisa cusub ee milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab
uu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay wargeyska afka dheer ee
Financial Times, ayaa u sheegay inuu rajaynayo in weeraradii ugu dambeeyay ee
ka dhanka ahaa Alshabaab ay ku khasbidoonaan miiska wada hadalka.
“Laba arrimood ayaa jira in Al-Shabaab looga adkaado, mid waa milateri
ahaan, mid kalena waa fikir,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay Financial
Times oo wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.
“Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka
militariga, waxaan aaminsanahay inaan kaga adkaan doono iyaga,” ayuu yiri
madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay sidii uu
kooxda Alshabaab ugu celin lahaa meel cidhiidhi ah oo aan ka ahayn inay nabada
qaataan.
“Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karto, waxaana sidoo
kale rumeysannahay in fursadda wadahadallada aysan weli qaan-gaarin. Laakiin
dhamaadka, tani waxay ku dambayn doontaa wadahadal,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Si kastaba ha ahaatee, howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka
dhanka ah Al-Shabaab, ayaa sababay in Alshabaab ay lumiyaan saddex meelood meel
meelaha ay ka joogaan gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
In ka badan 3,000 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay 3,700 oo kalena
waa lagu dhaawacay wejigii koowaad ee howlgallada ciidamada intii u dhaxeysay
bishii Agoosto ee sanadkii hore ilaa bishii Janaayo. Dowladda ayaa sidoo kale
sheegtay in 70 magaalo iyo tuulooyin laga saaray Al-Shabaab.
0 Comments:
Post a Comment