Wednesday, March 22, 2023

Xasan Sheekh” oo ku dhawaaqey in Doorashada soo socota ay noqon doontaa qof iyo cod”

 

Doorashada

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in Doorashada soo socota ee marka uu dhammaado muddo xileedkiisa ay noqon doonto mid Qof & Cod ah si looga gudbo Doorashooyinka Dadban ee muddada lagu soo dooranayay Xildhibaannada & Madaxda Dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay in uu dhowaan Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka ee soo xulay Ergada Dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka una sheegeen in aysan diyaar u ahayn doorasho dambe oo ah mid dadban.

Nidaamka Xisbiyada ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in doorashadu ‘Qof & Codka’ ah la isu dooran doono si looga gudbo khilaafaadka iyo murranada ka dhasha doorashooyinka dadban ee lagu soo doortay Xildhibaannada.

“Baarlamanka Federaalka, Sanad & kahor ayaa doorasho ka timaadeen, doorashadii aad ka timaadeen xiiso ma idiin heysaa oo malagu noqonayaa? Nimankii odoyaasha ahaa ee meelaha la idinka soo doortay mas’uulka ka ahaa oo dhowaan aan Baydhabo kusoo kulanay waxa ay dhaheen diyaar uma nihin doorasho dadban oo dambe, hadda haddii idinka oo doorasho dadban ku yimid diyaar u ahayn, kuwii soo sameeyay diyaar ee Odoyaasha ka ahaa aanay diyaar uahayn sabab aan meesha usii joogno sooma aha?” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000 ay ku shaqeyneysay nidaamka awood qeybsiga beelaha ee loo yaqaan nidaamka “4.5”, balse nidaamkaas ayaa dalka ka abuuray qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, waxaana horay u soo maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya. waxa ay balan qaadeen in ay dalka ka hirgelin doonaan nidaamka dimuquraadiyadeed, balse kuma aysan guuleysan in ay fuliyaan balamihii ay qaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu rejo weyn ka leeyahay sidii looga gudbi lahaa doorashada dadban si Shacabkana ay u doortaan Xisbiga ay rabaan lagu gaari karo wadashaqeyn dhexmarta Dowladda, Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah & Shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya, Ilaahey idinkiis Doorashada Soo socota waa Qof & Cod, waa qof iyo cod xisbiyeysan oo Xisbi la isku doorto, Xisbi la isku doorto marka aan leeyahay maxaan kawadaa? Xisbigu waa meesha la isku dhaafsado fikirka oo aan la isku dhihin wuu dheer yahay wuu gaaban yahay, waa suuq oo kale, Wiilka & Gabadha Ra’yiga ka qaba soo bandhigi karo waaye kuwa Xisbiga ku bulaalayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxaa madaxda doorta Xildhibaanno ku yimid Doorasho dadban, awoodda Shacabka ay codkooda ku dhiiban lahaayeen waxaa loo gacan-geliyay wakiilo ay soo xuleen Odoyaal dhaqameed maadaama duruufaha kala duwan ee dalka ka jira aanay suuragelin in Dadka la diiwaangeliyo oo loo dhigo sanaadiiqda codbixinta.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog