GURIGA »
somalia
» Md Xasan iyo Museveni oo kulan ka yeeshay dagaalka iyo qorshaha shirka TCC
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Uganda kulan muhiim ah kula yeeshay
dhiggiisa dalkaasi Mudane Yoweri Museveni.
Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay dagaalka socda ee dowladda Soomaaliya
ay kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka waddamada
ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo
dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Madaxweyne Museveni ayaa ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya guulaha
wax ku oolka ah ee ay ka gaartay la-dagaalllanka kooxda Al-Shabaab oo hadda
galay wajigiisi labaad,.
Yoweri Museveni ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay
sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay kaalin weyn ka qaadato dagaallada
sifeynta Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an
tahay ciribtirka kooxaha argagixisada, si dalkeena hormuud ugu noqdo isbedelka
hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimada dalka
Uganda ee Kampala ayaa shalay tababbar u soo xiray cutubyo kamid noqonaya
ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda,
wuxuuna madaxweynuhu uga warbixiyey xaaladda dalka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in
muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka, isaga
oo carrabka ku adkeeyey in tayeynta ciidanka qaranka ay aas-aas u tahay
dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga
sifaynayo argagixisada.
0 Comments:
Post a Comment