Sunday, October 9, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda

 

Xasan Sheekh


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah ku tagay dalka Uganda, isagoo isku dayaya inuu taageero dheeraad ah oo gobolka ah ka helo dadaallada uu kula jiro argagixisada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Kampala u gaaray sidii uu dowladda iyo shacabka Uganda uga qeyb qaadan lahaa ka hor inta aan loo dabaal dageynin sanadguuradii lixdanaad ee ka soo wareegatay markii ay xornimada qaateen. 

Madaxtooyadu waxay intaas ku dartay in (Booqashadan uu Madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadli doono dhiggiisa Uganda Mudane KagutaMuseni oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal ee dhinac walba ah, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada.


Mudane HSN oo gaaray Kampala si uu ugala soo qeyb galo dowladda iyo shacabka Uganda ka hor dabaaldega sanad guurada 60-aad ee xornimada. Inta uu ku guda jiro booqashada Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doonaa dhiggiisa Uganda,

 Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweyne Sheekh Maxamuud uu dhigiisa Uganda Museveni ka codsan doono inay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kaasi oo uu ku dhawaaqay inuu la dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku guda jiro socdaalkiisa waxa uu ka qeyb galayaa xuska maalinta xoriyada dalka Uganda oo todobaadkaan socon doonto ugu yaraan 3 maalmood.

Booqashadan uu ku tagayo dalka Uganda ayaa ah tii labaad ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku tago tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee lasoo dhaafay.

Booqashadii ugu dambeysay ee bishii Ogosto ee la soo dhaafay, labada madaxweyne waxay ku heshiiyeen xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha si loo horumariyo xiriirka ganacsiga iyo maalgashiga iyo isdhaafsiga danaha guud.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Afrika, waxaana ay gaarayaan ilaa 5,000 oo askari, waxaana ay Muqdisho soo gaareen horraantii 2007-dii, waxayna qeyb ka qaateen xoreynta caasimadda Soomaaliya ee Al-Shabaab sanadkii 2011-kii.

  

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog