Saturday, October 8, 2022

Xasan oo shir guddoomiyey Golaha Wasiirada kaasoo todobaadkiiba mar la qabto

 

Golaha Wasiirada


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza CabdiBarre ayaa maanta oo Khamiis ah shir-gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo todobaadkiiba mar la qabto, kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u ekaa goob xasarad la isugu yeeray oo xaalad deg deg ah looga hadlay, waxaana intii uu socday kulanka lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha deg dega ah iyo horumarka iyo xasiloonida deegaanada laga saaray Al-Shabaab. argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo shir guddoominaya shirka golaha wasiirrada ayaa loo arkaa arrin aan caadi ahayn oo muujineysa in dalka uu marayo xaalad adag oo heer qalalaase ah. 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshe ku aaddan sidii gurmad cunto loogu gaarsiin lahaa deegaannada laga saaray kooxaha argagixisada, isla markaana lagu soo rogayo amni iyo xasillooni.  

Madaxweynaha ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu ay ku nool yihiin xaalad adag, wuxuuna faray dowladda in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan deegaannadii laga saaray argagixisada Al-Shabaab. 

 Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa dardaaran u jeediyay dhammaan hay’adaha dowladda, isagoo ku nuux-nuux saday in dhammaan wasaaradaha ay saaran tahay mas’uuliyad gaar ah, isla markaana ay xoogga saaraan sidii deegaannadaas looga hirgelin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha Wasiirada kula dar daarmay inay muhiimadda koowaad siiyaan la dagaallanka argagixisada oo caqabad ku ah dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, isagoo xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay argagixisadu gacanta ku hayso, isla markaana ay dagaal joogto ah kula jirto cadowga cadowga ku ah nabadda, hay’adaha dowladda iyo madax-bannaanida dalka. 

    

 




Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog