GURIGA »
Soomaaliya
» Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka hor sheegay Kacdoonka ka dhan ka ah Al-shabaab iyo xaalada Abaaraha
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo
khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey Shirka Golaha loo dhanyahay ee
Qaramada Midoobey ayaa soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee gurmadka
abaaraha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalada ka
dhanka ah kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, dib u heshiisiinta iyo hirgelinta
dowladnimada.
Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday dowladdiisa
tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo uu sheegay iney ka mid yihiin in
dalka laga xoreeyo Alshabaab iyo Daacish, iyadoo ay iskaashanayaan shacabka iyo
ciidamada xoogga dalka, waxuuna la wadaagay Madaxda Adduunka dhibaatada iyo
xasuuqa Al-shabaab iyo Daacish ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee birmogeydada
ah.
“Iyadoo maanta dalkayaga ay ka jirto xaalad binu aadannimo oo adag, haddana
kooxdan oo si been abuur ah u sheegtay in ay yihiin islaamiyiin waxa ay
qarxiyeen ceelal biyood reer guuraagu ku tiirsanaayeen, waxa ayna gubeen
gaadiid raashiin u siday, iyagoo halkaas ku dilay dad aan waxba galabsan oo
markii horeba la daalaa dhacayay sidii ay u noolaan lahaayeen” ayuu yiri
madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed
dareenka iyo baraarugga ku wajahan inay iska dulqaadaan cadowga caadeystay
daadinta dhiiggooda, isagoo tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in dagaalka
Al-shabaab lagu garab istaago dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadda iyo
xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahayeen
xuquuqdooda aas aasiga ah ee adeegyada dowladda iyo nolal wanaagsan.
“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay bilaabeen in ay kacaan si ay u taageeraan baaqa
dowladooda ee ah in ay naftooda iyo dalkooda ka difaacaan dhagarta argagixsada.
Maalmahan iyo bishii horeba, waxaan ka xoreynay argagixisada magaalooyin iyo
tuulooyin ay ku dhibaataynayeen dadkayaga, iyadoo howlgalladaas ay isgarab
sanayeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaannada, taas oo horseedday guulo
waaweyn” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Gabagabadii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxuu si faahfaahsan uga
warbixiyey qorshaha tayeynta ciidamada Qalabka Sida, saameynta isbeddelka
cilimada iyo COVID-19 ay ku yeesheen dalka, mudnaanta dowladdu ay siineyso shaqo
abuurka dhallinyara, kobcinta dhaqaalaha, daris wanaagga iyo xaqiijinta
Soomaali heshiis ah Dunidana Heshiis la ah.
0 Comments:
Post a Comment