GURIGA »
Soomaaliya
» Wararkii ugu danbeeyay iyo ciidaadii xooga dalka oo isku diyaarinaya inay xoreeyaan CEELBUUR
Waxaa weli si xawli ah u socda howl-gal
militari oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacab is-abaabulay ay kaga soo
horjeedaan ururka Al-Shabaab.
Howl-galada ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay
waxaa inta badan gobolka Hiiraan looga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab oo laga
saaray deegaano ay 13 sano ku sugnaayeen, ayada oo markii u horeysay ay
ciidamada dowladda isku fureen jidka isku xira Buula-Burte iyo Beledweyne.
Sidoo kale waxa uu haatana dhaq-dhaqaaq
militari oo xoogan laga soo sheegaya gobolka Galguduud oo ciidamada Galmudug
iyo kuwa dowladda ay duulaan ku yihiin magaalada Ceel Buur.
Gudoomiyaha degmada Ceel Buur, Gashaanle-dhexe
Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dagaal-yahaanada
Alshabab aysan hayn awood ay uga hortagaan ciidamada, ayna cagta marin doonaan.
“Nimankaan waa koox yar oo guurguurta weeyi,
kuwii Baxda shalay joogay oo kasoo cararay ayaa halkaa ku arkeysa. Meel kasta
waa looga imanaya Ceelbuur, indhaha ku arki doonta iyada oo aan cidba laga
arkin,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay la
carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war
heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.
“Waa ka daba tagi doona oo meel kasta ay taagan
yihiin wa ugu tagi doona. Uma kala hareyno deegaanada ay ka haystaan
HirShabelle iyo Galmudug himika ciidamada garabka ayey isku hayaan oo diyaar
ayaa nahay.”
0 Comments:
Post a Comment