Tuesday, September 20, 2022

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada oo looga hadlay xoojinta howlgallada ka dhanka Al-Shabaab

 

alshabaab


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Berri ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay xoojinta howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshe lagu xoraynayo deegaanada ay argagixisada ku sugan yihiin, laguna xasilinayo deegaanada laga saaray, si dadka deegaanka ay u helaan adeeg bulsho.

Xamza ayaa sheegay in dagaalka ciidamada qalabka sida ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab uu xanuujiyey, ayna sii wadayaan inta laga xoreynayo deegaanada ay gacanta ku hayaan.

“Marka dagaal lagu jiro cadowga waa la xanuujiyaa, markuu xanuusado waxaa lagu gartaa jawaabta uu bixiyo oo jawaabtiisu haddii ay noqoto mid naf la caari ah, micnaheedu waa cadowgu wuu dhintee haka harinna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee gacan ka geystay sidii shacabka deegaanka looga xoreyn lahaa deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in bulshada lagu wacyigeliyo qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa u mahadceliyey laamaha amniga iyo ciidamada Soomaaliya habeen iyo maalinba dadaalka ay ugu jiraan sugidda amniga shacabka, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa kooxaha argagixisada.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog