GURIGA »
somalia
» Md Xasan Sheekh oo go’aankiisa ku baabi’iyey guddi Farmaajo hore u ansixiyey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay
Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha
Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa
aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa
Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358
si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga
Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.
Madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowlad
nimada Soomaaliyeed iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dhismahooda loo
maro nidaam waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka
ayaa Xukuumadda faray in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan
qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee Dastuurka Kumeel-Gaarka ah iyo qodobka
7-aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga
Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa tilmaamay in la baabi’iyey dhammaan wixii go’aanno ahaa ee ay gaareen
muddadii la howlgeliyey Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga
Madaxa-Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa.
Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu
baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.
0 Comments:
Post a Comment