GURIGA »
Siyaasada
» Md Soomaaliya oo Maanta kulan la qaatay Madaxeeynaha dalka Uganda
Madaxweynaha dowladda
Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalkaa Uganda ayaa
Maanta kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni, iyagoona ka
wada hadlay xasiloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya
Soomaaliya iyo Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Madaxweyne Museveni
halganka wadajirka ah oo ay wadaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku
aadan sidii la isaga dulqaadi lahaa Ururka Al-shabaab oo uu tilmaamay
iney caqabad ku yihiin horumarka iyo xasilloonida dhamaan dalalka
gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad
guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degeen
maalintii shalay aheyd, waxuuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed
ay uga mahad celinayaan doorka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo
xasilloonida Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa dhankiisa ku
bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah oo ay ka gaartay
dagaalada ka dhanka Al-shabaab iyo deegaanada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku
adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa ee ku aadan nabad ilaalinta iyo
dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya,
isagoona uga mahadceliyey Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo
wafdigiisa ka qeyb galitaanka xuska 60-guurada xornimada dalkiisa, waxuuna
xusay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii
xornimo doonka ahaa dalka Uganda.
0 Comments:
Post a Comment