Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay doorashada Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha cusub, ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya Muqdisho iyo Maamul Goboleedyada, si loo horumariyo Maamul Goboleedyada.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in laga shaqeeyo horumarinta waxbarashada, sidii uu sameeyay mudadii u horeysay ee uu xilka qabtay, oo Soomaaliya ay ku tilaabsatay horumaro badan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guulo badan kasoo hooyay horumarinta waxbarashada mudadii uu xilka hayay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in horumarka Soomaaliya uu sii socon doono mudada soo socota. Waxa uu rabaa in uu hormariyo waxbarashada iyo in uu dhameeyo wax qoris la’aanta Soomaaliya, marka dadka oo dhan waa in ay ku taageeraan waxa uu qabanayo
Arrinta aadka u wanaagsan ayaa ah in Xasan Sheekh Maxamuud uu billaabo olole ka dhan ah dhaqdhaqaaqa argagixisada Al-Shabaab si loo dhammeeyo, loogana saaro Soomaaliya muddada soo socota, sababtoo ah wuxuu wax walba u qaban doonaa badqabka iyo badbaadada dadkiisa. Haddaba, waa in aan is garab istaagno, garab istaagnaa, kuna dhiirri-gelinaa waxa uu qabanayo.
0 Comments:
Post a Comment