Imaatinkii markab mucaawino ah oo Imaaraatku u soo diray shacabka Soomaaliyeed.
Markab ka mid ah kuwa Imaaraatka Carabta oo sida 824-tan oo raashin aas aasi ah oo loogu talagalay in loogu qeybiyo shacabka Soomaaliyeed ayaa gaaray dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.
Ilo wareed rasmi ah oo ka tirsan Hay’adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ee dhanka Hawlaha Samafalka ayaa yiri: “Gargaarkan bini’aadantinimo waxa uu ku yimid fulinta awaamiirta madaxda caqliga leh, waxaana loo qeybin doonaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Jubaland, Kismaayo iyo gobollada ay ka kooban tahay.
Xogtu waxa ay tibaaxday in koox ka socota Hay’addaasi ay kormeeri doonto qaybinta Gargaarka loo qaybinayo dadka ka faa’iidaysan doona goobaha ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ay ka jiraan abaaro iyo xaalado bini’aadantinimo oo adag, waxaana ujeedadu tahay sidii loo samata bixin lahaa dadka Soomaaliyeed, loogana bixi lahaa dhibaatooyinka nololeed ee ka dhashay abaarta. beero iyo xoolo waxyeeleeyeen.
Mas’uuliyiin kala duwan iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay gargaarka bani’aadanimo ee dowladda Imaaraatka Carabta, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaawi doonin mowqifka bani’aadanimo ee Imaaraadku garab taagan yahay, una fidiyay baahiyihii aasaasiga ahaa ee ay u baahnaayeen, islamarkaana ay uga gurmanayaan abaarihii dalka ka dhacay oo qeyb weyn ka qaatay. xoolaha oo ay waxyeeleeyeen dalagyo badan.
Waxay kaloo qiimeeyeen doorka weyn ee ay ka qaadatay Mu’asasada Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee howlaha bini’aadantinimo ee dadka Soomaaliyeed.
0 Comments:
Post a Comment