GURIGA »
somalia
» Md xasan sheekh oo warsaxaafadeed goordhaweyd soo saaray
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee
12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar
ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale
Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman
nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo
maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin.
“Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha
badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada
dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda
Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada
argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan”
Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay xoojiyaan
dadaallada dalka looga xoreynayo argagixisada caadeysatay gumaadka dadka
Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay
midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo
argagixisada.
0 Comments:
Post a Comment