Monday, March 20, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Talyaaniga

 

Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Amb. Alberto Vecchi.

Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee taariikhiga ah. Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaanigagarab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka argagaxisada iyo deyn cafinta, waxaana uu xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan doonaan dhawaan.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka Yurub ee dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan, sida amniga, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog