GURIGA »
somalia
» Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga maantey
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden oo safar shaqo ku jooga dalka
Talyaaniga ayaa shir layeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida
oo ay kawadahadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeena.
Labada dhinac ayaa wadahallo qotodheer ka yeeshay iskaashi faa’iido
wadaag ah oo dhexmara labada dal, maalgashi ay dowladda Talyaaniga iyo
hay’adaheedda Kalluumeysiga ay ku sameeyaan Soomaaliya iyo xoojinta kaalinta
kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.
Wasiir Ahmed Hassan ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Talyaaniga soo dhaweynta
heerka sare ah ee u sameeyey iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu si hufan uga
shaqeeyo qodobada ka soo baxay shirka, isaga oo xusay in uu rajeynayo in
dhammaan qodobada kasoo baxay shirka ay noqdaan kuwo miradhal ah.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dowladda Talyaaniga Mudane Francesco
Lollobrigida ayaa sheegay in dowlad ahaan ay aad u jecel yihiin shacabka iyo
dowladda Soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in dib boorka looga jafo
iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee labada dal, waxaana uu sheegay in uu
ra’iisul wasaaraha dalkan Talyaaniga kala hadli doono sidii mudnaan gaar ah loo
siin lahaa hirgalinta qodobada kasoo baxay shirkan.
Ugu dambeyn labada wasiir ayaa ku ballamay in la sameeyo guddi isku dhaaf
ah oo ka shaqeeya sidii diyaarinta waxyaabaha muhiimka ah ee ay labada dal iska
kaashan doonaan.
0 Comments:
Post a Comment