GURIGA »
somalia
» Md Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo
weli ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah magaalada Roma kula qaatay
Wasiirka Difaaca dalka Talyaaniga Guido Crosetto.
Wasiir Crosetto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashada iyo
wada-xoojdyada ay yeesheen, wuxuuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida
Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka.
dhinacakale wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga ayaa Madaxweynaha Soomaaliya
u sheegay inay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladdaSoomaaliya xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca
Talyaaniga xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo
milatariga, xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dowladda Talyaaniga
ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah diiradda u saaray dib u habeynta
ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee dalka ka socda.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay Safiirka
Maraykanka u fadhida Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome, Danjire Cindy McCain
ayaa la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee
dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha.
Madaxweynaha ayaa cadeeyey in mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi
lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo, looguna beddeli lahaa maalgashi
dhaqaale oo horseeda horumar waara.
Safiirka Maraykanka u fadhisa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Rome ayaa ku
bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu
istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dadaalka dowlada
ay uga hortagtay in macluul ay ka dhacdo Soomaaliya, gurmadka abaaraha iyo
samata-bixinta deegaannada laga xoreeyey argagixisada ee muddada ay
curyaamiyeen, waxa ayna tilmaamatay in ay laba-laabayaan taageerada iyo garab
istaagga dowladda.
0 Comments:
Post a Comment