GURIGA »
somalia
» Shirweynaha Culimada Soomaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho & Qodobada horyaalla
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada
Soomaaliyeed, kaasi oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane XasanSheekh Maxamuud.
Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen culimo gudaha dalka iyo dibadda isaga kala
timid ayaa waxa uu ku saabsan yahay doorka culimada ee la-dagaalanka fikirka
xagjirka ah ee Al-Shabaab.
Culimada ayaa kulankooda dood uga yeelan doonaan dhowr qoddob oo miiska
saaran, kuwaasi oo kala ah;
Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: Sixida fahamka saxda ah ee Diinta
Islaamka
Sharciyad siinta dowladda: Xukunka Islaamka iyo dowladnimada casriga ah iyo
Dhisidda Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed: Muhiimadiisa iyo Sharciyeyntiisa.
Qaar kamid ah culimada qeybta ka ah kulankaan oo goor sii horeysay
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay jiheynta
dalka, si culimadu usoo saarto bayaan guud oo ku socda madaxda dowladda
federaalka, dowlad-goboleedyada iyo shacabka.
Agaasimaha Waaxda Diinta iyo ku-dhaqanka Shareecada Islaamka ee wasaaradda
Awqaafta iyo arimaha Diinta Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in shirkaan uu
kusoo beegmay waqti aad loogu baahan yahay.
“Waa shir Culimada Soomaaliyeed loo qabanayo, waa shir maslaxada guud looga
hadlayo, waa shir la doonaayo in waddanka uu is raaco, si fiican isu raaco,
diinta islaamkana isu raaco oo culimaduna si qeexan ra’yidooda usoo bandhigto,”
ayuu yiri Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Cumar.
Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa shir la rajeynayo haddii Alle idmo in
qodobo kasoo baxaan, waana la caddeyn doonaa qodobadiisa.”
Furitaanka shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah mas’uuliyiin ka tirsan
dowladda federaalka oo khudbado ka jeedinaya, wuxuuna kusoo aadaya xilli uu
dalka ka socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab.
0 Comments:
Post a Comment