GURIGA »
Soomaaliya
» maamulka Jubbaland oo ku dhaqaaqday fulinta qorshaha dagaal ee Xasan Sheekh ee ka dhanka ah al-shabaab
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland
ayaa howl-gal culus ka wada deegaanka Janaay Cabdalle oo dhaca duleedka
magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Ciidamadan ayaa shalay kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaankan oo ah
marin muhiima oo isku xira deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland.
Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa sheegay in ay deegaanka Janaay
Cabdalle duleedkiisa ka wadaan howl-gal sifeen ah, iyaga oo xusay inay ku daba
jiraan firxadka dagaalamayaashii Shabaab ee shalay deegaankaasi iskaga baxay.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo wata gaadiidka
dagaalka ayaa sidoo kale saldhigyo ka sameestay deegaanka Janaay Cabdalle.
Deegaanka Janaay Cabdalle ayaa dhaca kala-barka degmooyinka Kismaayo iyo
Afmadow, waana deegaan istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Jubbooyinka, Gedo
iyo gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Maamulka Jubbaland ayaa dardar-gelinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo
si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, kaasi oo kal hore uu ku
dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh.
Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay
jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku
jiray sanado badan.
Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in xoreynta
Janaay-Cabdalla ay bilow u tahay fulinta go’aankii madaxweynaha dalka ee ahaa
in dagaal kama dambeys ah lagu qaado kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in
deegaano kale ay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda.
0 Comments:
Post a Comment