GURIGA »
Soomaaliya
» Wasiirka Maaliyadda oo kala hadlay Agaasimaha Bangiga Adduunka iyo Guddiga maamulka dib u habeynta hanaanka Maaliyadda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud
Nuur ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska Bangiga
Adduunka ee Soomaaliya Christina Svensson.
Kulanka dhexmaray Wasiir Cilmi iyo Mrs. Svenson ayaa looga hadlay
dib u habeynta hannaanka maaliyadda Soomaaliya iyo taageerada farsamo iyo
maaliyadeed ee Bankiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta
Bangiga Adduunka iyo dowladda cusub ee Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed
ee uu Bankiga ka fuliyo dalka.
Sabtidii, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,
ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Maaliyadda ee
Caasimadda Muqdisho.
Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada
hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada dowladda ee dib u habeynta
hanaanka maaliyadda dalka.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka
go’an tahay sidii loo horumarin lahaa hanaanka Maaliyadda dalka.
0 Comments:
Post a Comment