Saturday, August 27, 2022

Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Xasan Shiikh Maxamuud

 

booqashda HSN

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa wadahadal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli ay 100 maalmood u buuxsantay dowladda XasanSheekh, tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Dadaalka ay wado dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si xal nabadeed loo gaaro si loo wada qanciyo, iyo in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Garoowe uu aad uga duwan yahay booqashooyinkii hore.

Madaxwenaha ayaa markii la doortay safarro ku tagay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka kooban tahay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa socdaallada ay madaxtooyada ujeeddadooda ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo wadashaqeynta gudaha.

Waxaase durba soo baxay in ay jiraan arrimo ay Puntland ka tabanayso dowladda dhexe, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog