GURIGA »
» Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay in la ballaarinayo howlgallada ay ciidamadu ka wadaan dalka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ka sheegay
dhawaan lasoo afjarayo Shabaab-ka ka dagaalamaya Galmudug iyo HirShabeelle, isla
markaana wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ay dowladdu ka bilaabi doonto
K/Galbeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalkaan laga soo bilaabi doono
xadka Itoobiya, isla markaana la wedi doono ilaa badweynta Hindiya, si loo
dhameeyo Shabaab-ka dhulkaas ku sugan.
“Siyaasadda dwoladda maanta waa in dalkaan Shabaab laga xoreeyo, waxaan
rabaa in gaarigii Baydhaba ka soo baxa uu si nadiif ah Xamar u yimaado, hadaan
Shabaab ka xoreyno uma ogolaa doono tuug isbaari taagan, waa balan,” ayuu yiri
Xasan Sheekh.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidan
xoog leh oo isku filan una diyaarsan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dalka
inta ay ka joogaan.
Markii aan galnay dagaalka ka socda gobollada Galmudug iyo iyo HirShabeelle,
maanta waa ka khibrad badanahay, waxaan barangay xeeladaha Al-Shabaab, ciidan
badan ayaan heynsanaa maanta, niyadeenu waxay noo sheegee oo aan xaqiijinay in
Shabaab aan ka adag nahay, waqti badan nooga bixi maayo dagaalka lagu xoreynayo
deegaanada ay uga hareen labadaas dowlad goboleed,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay furitaankii shirka siyaasiyiinta
reer Koonfur Galbeed, wuxuuna fariin u diray dhalinyarada weli ku jirta
Al-Shabaab.
Aniga ka madaxweyne ahaan hadafkeygu waa in dalkaan uu Shabaab la’aan
noqdo, idinma dhahaayo daaro dhaadheer ayaan idiin dhisaa, laakiin waxaan
abuureynaa duruuf sababi karta in dalkaan la maalgashado oo nabad la isku
laheyn karo ay ka dhalato Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku
jirta fikirka Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid
kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay
diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada
ay khaldeen Al-Shabaab.
“Duruuf kasta ku raac Al-Shabaab waxaan maanta idiin cadeynayaa ninkii
kasoo baxa Al-Shabaab cafis waaye, cafis kaliya maahane waxay dowladdu diyaar u
tahay in nolol fiican ay helaan dadka ka soo baxa Al-Shabaab,” ayuu yiri
Madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa calool-xumo ka muujiyey dhalinyarada ku dhimaneysa
fikirka Al-Shabaab, “Xawaadley oo u dambeysay ciidan iyo saraakiil qaali ah
ayey nooga dileen, laakiin difaaca dalkooda ayey u dhinteen, Allaha u
naxariisto,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa waalidiinta dhashay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab
wuxuu ugu baaqay inay wacdaan wiilashooda oo inta aan la dhameyn ay ka gaaraan
wixii diyaar u ah inay ka soo haraan kooxda.
0 Comments:
Post a Comment