Sunday, November 27, 2022

Md Xasan Sheekh iyo Md HirShabelle, Cali Guudlaawe oo Dhagax dhiga Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadale ee Gobolka Shabellaha Hoose

 

Shabellaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi doono.

Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa wax badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in garoonkan uu yahay mid muhiim u ah bulshada deegaanka, isagoo tilmaamay in dhismihiisa uu qeyb ka noqon doono mashaariicda laga fulinayo gobolka Sh/dhexe.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha uu booqday deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay deegaano ka tirsan magaalada “Athali”.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta nabadda, horumarinta gobolka iyo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladdiisa aysan aqbali doonin jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dhibaateynta muwaadiniinta safarka ah.

 


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog