Sunday, November 20, 2022

Md xasan oo booqday goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa uuna wacad ku maray in ay ka sifeyn doonaan argagixisada dalka

 

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa oo Sabti ah, ku nuux-nuux saday in inta uu xukunka hayo ay ka dhab tahay in dalkiisu uu "ka dareerin doono" argagixisada.

Tani waxay ku soo beegantay khudbad uu u jeediyay dadweyne fara badan, xilli uu booqasho ku tagey Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, oo laga xoreeyay gacan ku heynta “Al-Shabaab” dhaqdhaqaaqa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay guulihii is-daba joogga ahaa ee ay ciidamada oo kaashanaya shacabka deegaanka ay ka gaareen argagixisada, isagoo xusay in dowladdu ay gacan siin doonto magaalo kasta oo ay dadka deegaanku go’aansadeen in ay iska xoreeyaan gacanta argagixisada.

Wuxuu yiri: “Inta aan xukunka hayo, Soomaaliya waxay dhab ka tahay in argagixisada laga sifeeyo ciidda dalka oo dhan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii loo heli lahaa dhammaan adeegyada dowladda ee magaalada Maxaas iyo tuulooyinka hoos yimaada iyo dhammaan deegaannada la xoreeyay.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayay qaybo ka mid ah magaalada Maxaas iyo tuulooyinka hoos yimaada, balse ciidanka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka deegaanka ayaa dib ula wareegay magaalada iyo tuulooyinka hoos yimaada oo ay xarakada gacanta ku haysay horaantii bishii September.

Sida ay dadka indha-indheeya u sheegeen socdaalka madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa niyadda ciidanka iyo shacabka deegaanka iyo sidii loo abaabuli lahaa dagaal-yahannada “Al-Shabaab”.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada dowladda oo kaashanaya malleeshiyo beeleed ay sii wadaan howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-shabaab, kuwaasoo ay kudileen tobaneeyo ka tirsan jabhadda, ayna dib ula wareegeen deegaanno badan.

Muddo sanado ah, Soomaaliya waxa ay dagaal kula jirtay jabhaddii “Al-Shabaab” ee la aas aasay horraantii 2004-tii, oo ah dhaq-dhaqaaq hubeysan oo fikrad ahaan raacsan ururka “Al-Qaacida” oo qaatay hawlgallo badan oo argagixisanimo oo galaaftay nolosha boqolaal qof.

 

Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog