GURIGA »
somalia
» Safiirka cusub ee Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Muqdisho
Safiirka cusub ee dowladda Imaaraadka Carabta ay u soo magacawday
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa maanta oo
Arbaco ah soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cuday ee Magaalada Muqdisho ku soo
dhaweeyay Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xirsi Xaaji Alsu, ahna Xubin ka tirsan Safaaradda
Imaaraadka Carabta – Saif Ali Rishash.
Imaatinka Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee aan walaalaha nahay ee
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cadeenaayo Xiriirka laba geesoodka ah
ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta in uu yahay mid soo koraya oo soo
hagaagaya dhinacyo kala duwan
Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa soo hagaagaya tan iyo markii Dr.Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya May 15, 2022 AD kadi
markii uu maatey soo gaarey Safiirka Dowladda Imaaraadka xaasimada muqdisho
Waxaa xusid mudan in xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo
Imaaraatka Carabta uu yahay mid horumarsan oo soo hagaagaya dhinacyo kala duwan
oo danta guud ah, gaar ahaan tan iyo markii Dr. Xasan Sheekh Maxamuud loo
doortay Madaxweynaha Soomaaliya May 15, 2022, waana markii ugu horeysay socdaalka
dibadda ee Imaaraadk
0 Comments:
Post a Comment