GURIGA »
somalia
» Soomaaliya oo Dubai uga qeyb gashey meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta
Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar
iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka
Carabka kaga qeyb galay meertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka
Booliska dalalka Carabta.
Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bishan Jannaayo ayaa looga
hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna Taliyaha
Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka
gaartay xoojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga
xoraynayo dalka iyo dadaallada hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Booliska
Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lacag dhaqista.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan
Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceedyo diiradda lagu
saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha
Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Maxamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cabdulmucdi iyo
Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla
Al-biniyaan.
Muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka qeybgasho shirka 46-aad ee
madaxda Booliska iyo Nabadsugida Carabta oo ka furmaya Abu Dhabi, ayaa ah mid
ay somaliya kula xiriireeyso dalalka caalamka ee horumaray.
0 Comments:
Post a Comment