GURIGA »
somalia
» dawlada Maraykanka oo ugu deeqay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qalab ciidan oo ku kacaya $9 milyan
Mareykanka ayaa ugu deeqay qalab milatari oo ku kacaya 9 milyan oo dollar
oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo loogu talagalay
ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda wareejinta qalabkan waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka
Larry Andre, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka XDS S/Guuto Odowaa
Yuusuf Raage.
"Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ka
gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed
ee ku dhibaateysan Al-Shabaab," ayuu yiri danjire André.
“Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali. Maraykanku wuxuu dib u
xaqiijinayaa sida ay nooga go'an tahay inaan taageeradiisa Soomaaliya,"ayuu
hadalkiisa ku daray Andre.
Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey
dowladda Mareykanka, isagoo yiri “Allow ii oggolow inaan dowladda Mareykanka u
gudbiyo mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada
joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada
dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Taageeradan ayaa ku soo beegantay xilli
xasaasi u ah ciidamadeena annagoo kor u qaadayna awoodooda la dagaalanka
al-Shabaab.”
Hubkan oo isugu jira kuwa fud fudud iyo kuwa daran dooriga u dhaca ayaa lagu
taageerayaa guutooyinka ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Danab ee hadda ka qeyb
qaadanaya howlgallada ka socda Hirshabeelle iyo Galmudug.
Hubkan ayaa la diiwaan geliyay iyadoo la raacayo siyaasadda Dowladda Federaalka
Soomaaliya ee Maareynta hubka iyo rasaasta.
0 Comments:
Post a Comment