GURIGA »
somalia
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saddex Safiir halmar ka wada qaabilay aqoonsiga danjirenimo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee
dalalka, Turkiga, Burundi iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga
guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete
Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana,
Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Marwo Sasirit Tangulrat oo ah Danjiraha
cusub ee dalka Thailand u fadhin doonta dalkeenna.
Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada
iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan
adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka
Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada
hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka
Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay
xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga
gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu
tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas,
waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula
qeybsanayaan.
0 Comments:
Post a Comment