GURIGA »
somalia
» Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay wafdi ka socda ururka OIC
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar
Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socda
ururka Iskaashiga wadamada Islaamka ee OIC oo uu hoggaaminayo kaaliyaha
xoghayaha guud ee Arrimaha siyaasadda danjire Yuusuf Binu Maxamed Al-Dabiici.
“Waxaan ka wada hadalnay qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin
arrimaha binu aadannimada gaar ahaan saamaynta ay roob yaridu ku yeelatay
beeralayda Soomaaliyeed, taageerada dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto
dhamaystirka dayn cafinta, qaadista cunaqabataynta hubka ee 32 jirsatay, iyo in
wadamada xubnaha ka ah OIC ay garab istaag buuxa siiyaan dowladda Soomaaliya
tartanka ay ugu jirto xubinta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka qaramada
midoobay” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.
Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalin muuqata ka qaadata howlaha ururka
iskaashiga islaamka, waxaana ay ka mid tahay dalalkii aas aasay.
Ururka Iskaashiga wadamada Islaamka oo ay xubno ka yihiin 57 dal ayaa ah
kan labaad ee ugu balaaran dunida marka laga tago qaramada midoobay, iyadoo
dalkeennu uu ka mid ahaa dalalkii lagu asaasay ururka sanadkii 1969.
0 Comments:
Post a Comment