Wednesday, December 28, 2022

Xasan Sheekh oo qaabilay Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Dalka Mareykanka

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa kulankan waxaa ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqda AadanahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmad.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congaress-ka Maraykanka ayaa waxaa ay timid shalay magaalada Muqdisho.

Ilhaan Cumar ayaa toddobaadkii hore timid waddanka iyadoo kus oo degtay magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog