Thursday, December 29, 2022

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaaliya oo qaabilay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe

 

Somaaliya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho  ayaa maanta Xarunta Safaarada kulan kula qaatay danjiraha Dowlada Imaaraadka ee Soomaaliya Amb Ahmad Juma Al Rumaithi.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta tageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan wakhtigan adag ee qeybo dalka kamid ah wali abaarahu ay ka jiraan.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay mashariicda Dowlada Imaaraadka ay ka wado Jubaland iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, sida lagu sheegay War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa  maalmo kahor soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoona uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lasoo gaba-gabeeyay…

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog