Shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa
goordhow ka furmay Madaxtooyada, oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda
Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan SheekhMaxamuud ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi
Barre, Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir.
Maalinta koowaad ee shirka ayaa ah hordhac iyo is xog wareysi ay
sameynayaan madaxda ka qeyb gakeysa fadhigga, iyadoo beri la filayo iney
dhinacyada guda galaan qodobasa ugu xasaasisan.
Ajandaha shirkan oo horay loo sii shaaciyay ayaa ka mid ah dhameystirka
dhismaha Garsoor Federaal Madax Bannaan Hufnaan leh, Asteynta awooddaha
heerarka kala duwan iyo Dhameystirka nidaamka Federaalka oo ay ka mid tahay
maqaamka Caasimadda Muqdisho, nidaamka qeybinta tirada xubnaha Aqalka Sare oo
qorshuhu yahay in dib u eegis lagu sameeyo.
Dadaalka uu wado Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid wali socda si loo
xaliyo dhammaan dhibaatooyinka Soomaaliya, isla markaana xaalada wax looga
bedelo sida ugu wanaagsan
0 Comments:
Post a Comment