Tuesday, February 28, 2023

David Alaba Oo Ka Hadlay Sababtii Uu Codkiisa U Siiyay Lionel Messi Una Siin Waayay Karim Benzema Tartankii Abaalmarinta The Best.

 

The Best.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee David Alaba ayaa ka hadlay arintii muranka ku dhex dhalisay taageerayaasha Real Madrid ee ku saabsanayd abaalmarinta The Best.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa si xun u dhaleeceeyay xiddiga iyaga oo xitaa dalbaday in laga caydhiyo kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

David Alaba ayaa codkiisa abaalmarinta The Best siiyay xiddiga Lionel Messi isaga oo iska indha-tiray xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Karim Benzema.

Xiddiga ayaa ka jawaabay cadhada ka timid taageerayaasha Real Madrid waxana uu sharaxay sababta uu ugu codeeyay Lionel Messi.

“Arinta khusaysa FIFA The Best Aword, xulka qaranka Austria waxa ay abaalmarinta ugu codeeyaan koox ahaan, anigu kaligay ma codayn”.

“Qof walba oo ka tirsan xulka waa lala tasahaday sidaas ayaana lagu go’aamiyay qofka loo codeeyay”.

“Cid walba way ogtahay gaar ahaan Karim sida aan u jecelahay una qiimeeyo isaga iyo qaab ciyaareedkiisa”ayuu sii raaciyay.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog