Thursday, February 2, 2023

Juventus Oo kutalajirto in ay Kansalaysa Heshiiska Ay Kula Jirto Paul Pogba

 

ciyaaraha

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa burburinaysa heshiiska ay kula jirto xiddiga reer France ee Paul Pogba oo xagaagii si xor ah ugaga soo wareegay Manchester United, waxaanay kooxdaasi ka cadhaysan tahay laba arrimood oo isku raacay.

Paul Pogba oo ay da’diisu tahay 29 jir ayaan wali hal ciyaarna u safanin Juventus oo uu dib ugu soo laabtay kaddib lix sannadood oo uu kaga maqnaa Manchester United oo kaga iibsatay £89 milyan oo Gini sannadkii 2016, taas oo ka dhigtay ciyaartoygii ugu qaalisanaa dunida waqtigaas.

Laakiin intii uu kusoo laabtay Allianz Stadium ayaanu hal ciyaarna u safanin, waxaana uu u jiifaa dhaawac soo gaadhay ka hor  intii aanu bilaabmin xilli ciyaareedku.

Old Lady oo markii hore uu qorshaheedu ahaa inay haysato Paul Pogba ayaa uu isbeddel weyni ku yimid markii uu laacibkani noqday mid u nugul dhaawacyada oo uu illaa hadda u jiifo, waxaana usii raacday in ay xataa shaki ka qabaan in uu dib u helayo qaab-ciyaareedkiisii.

Kooxda Talyaaniga oo la dhibaatoonaysa dhaqaale xumo ku habsatay, dhowaanna laga jaray 15 dhibcood ayaa waxa la sheegay in hadda ay sharciyaqaanadeedu daraasaynayaan sida ay suurtogal u tahay inay kansalaan heshiiska Pogba oo 27kii ciyaarood ee kooxdaasi dheeshay xilli ciyaareedkan dhaawac u jiifay.

Juventus ayaa waxay Pogba ku kharash garaysay £31 milyan oo Gini oo ay siisay markii uu sida xorta ah ugu soo wareegay xagaagii, waxaana uu u saxeexay heshiis afar sannadood ah oo uu sannadkii mushahar ugu qaadanayo £7 milyan oo Gini.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog