GURIGA »
somalia
» Xasan oo Baydhaba gaaray si uu uga qeyb galka shirka dib u heshiisiinta koonfur galbeed
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo
wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta
Kumeel-gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka
Shaati Gaduud madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen,
guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo masuuliyiin ka kala tirsan
golayaasha maamulkaasi.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la xiriira gunaanadka
shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe ka socday
halkaas, kaasi oo uu furay 17-ka bishii hore.
Shirkan ayaa afar maalin kahor galay wajigiisa labaad, waxaana lagu wadaa
in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada
ka socdeen kulamo loogu gogol xaarayo mira-dhalka shirkan oo xaqiijinaya
Koonfur Galbeed heshiis ah.
Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo
guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu xalay la kulmay Midowga
Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta
wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed, isaga oo u sheegay
in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad.
Wajiga labaad ee shirka ayaa lagaga arrinsanayay hanaanka geedi socodka
nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada
Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.
Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee
dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku
jira gacanta kooxda.
0 Comments:
Post a Comment