GURIGA »
somalia
» Magaalada Baydhabo oo lagu soo gaba gabeeyay shirkii dib u heshiisiinta, iyadoo dhinacyadu ay heshiis ku gaareen doorashada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud, ayaa xalay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur
Galbeed ku soo gebagebeeyey wejigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta.
Dhinacyada ka qeybgalaya shirka ayaa u suurtagashay in ay ka gudbaan
khilaafaadyo, islamarkaana ay gaaraan heshiis ku saabsan doorashada guddoonka
baarlamaanka ee maamulkaasi.
Sida lagu sheegay war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee shirka laga soo saaray,
waxaa la isku raacay in muddada u dhaxaysa November 2023 iyo December 2023 lagu
soo xulo xubnaha baarlamaanka maamul goboleedyada.
Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta, Madaxweynaha Maamulka Koonfur
Galbeed iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa isku raacay in Wasaaradda Arrimaha
Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ay
dhaqangeliso heshiiskaasi.
Heshiiskan ayaa la filayaa in lagu soo afjaro khilaaf u dhaxeeya
madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdulcasiis Liftagrin iyo dadka kasoo
horjeeda ee ku saabsan arrimaha doorashada maamulkaasi, kaasoo sababay iska hor
imaadyo hubeysan oo ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana waqtigiisa dastuuriga
ah uu ku ekaa December 2022.
0 Comments:
Post a Comment