Saturday, February 4, 2023

Dhexdhexaadin ay sameeysey Imaaraatka, yaa 63 maxbuus oo Ruush ah oo ku xirnaa Ukraine ayaa dib loogu celiyay Moscow

 

Dhexdhexaadintii uu sameeyey imaaraadka oo guul ku soo dhamaatey


Ka dib dhexdhexaadintii Emirate-ka ee lagu oo lagu guulaystay, in 63 maxbuus dagaal "xasaasi ah" ayaa ku laabtay Ruushka, ka dib wadahadalo adag oo lala yeeshay Kyiv.

Wakaaladaha wararka ee Ruushka oo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in 63 maxbuus oo Ruush ah la sii daayay, taasoo ka dhalatay hannaan wada-hadallo adag oo lala yeeshay Ukraine, oo ay dhexdhexaadinayeen Imaaraadka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wakaaladaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxda askarta Ruushka la sii daayay ay ku jiraan xubno ka tirsan "qayb xasaasi ah".

Geesta kale, madaxtooyadda Ukraine ayaa ku dhawaaqday in 116 maxbuus oo u dhashay Ukraine lagu soo celiyay Kyiv. 

Wargeyska “Kyiv Times” ee Ukraine ayaa ka soo xigtay agaasimaha xafiiska madaxtooyada Andrei Yermak, isagoo sheegay in xoreeyayaasha ay ku jiraan qaar ka mid ah difaacayaasha magaalada Mariupol, iyo askar lagu qabtay Kherson. 

Kyiv ayaa sidoo kale soo saartay meydadka mutadawiciinta ajnabiga ah ee ka dagaalamay safafka ciidamadeeda, taasoo qayb ka ah heshiiska sarrifka, sida laga soo xigtay isla isha.

Dabayaaqadii bishii Nofembar, saddex ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in wakiilo ka socda Ruushka iyo Ukraine ay ku kulmeen Imaaraadka si ay uga wadahadlaan suurtagalnimada in maxaabiista dagaalka la isku dhaafsado heshiis la xidhiidha dib-u-soo-celinta ammonia-ka Ruushka ee loo dhoofiyo Aasiya iyo Afrika iyada oo loo marayo dhuunta Ukraine.

Wararka ayaa sheegaya in wada-hadalladaas ay gar-wadeen ka ahaayeen Imaaraadka Carabta, isla markaana aysan ku jirin Qaramada Midoobay, inkastoo hay’adda caalamiga ah ay door weyn ku lahayd gorgortanka hindisaha hadda socda ee ah in wax-soo-saarka beeraha laga dhoofiyo saddex dekadood oo Ukraine ah oo ku yaalla badda madow.

Bishii hore, Ruushka iyo Ukraine waxay isweydaarsadeen ilaa 100 maxbuus oo ka kala socday labada dhinac, isweydaarsigii ugu horreeyay ee 2023.

Waxayna Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay ku dhawaaqday in la dhammaystiray heshiis maxaabiis isdhaafsi ah oo lala galay Kyiv, kaas oo keenay in la xoreeyo konton askari oo Ruush ah, kuwaas oo ay Ciidanka Cirka ee Ruushku u qaadi doonaan Moscow si loogu daweeyo iyo baxnaanin.

"8-dii Janaayo, natiijadii hannaan gorgortan, 50 askari oo Ruush ah ayaa laga soo celiyay dhulka uu maamulo taliska Kyiv, kuwaas oo khatar dhimasho ah ugu jiray maxaabiis," ayaa lagu yiri bayaanka difaaca Ruushka.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, dhexdhexaadinta Imaaraatka iyo Sacuudiga waxay ku guulaysteen inay dhammaystiraan heshiis naadir ah oo maxaabiis isweydaarsi ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka, kaas oo ay ku jiraan sii deynta ciyaartoyga Kubadda Kolayga ee Maraykanka Brittney Greener, taas oo lagu beddelay maxbuus Ruush ah oo ku yaal Maraykanka, Victor Bout.

Imaaraadku waxa ay si xoog leh uga go’an tahay in uu gacan ka geysto in dariiqooyinka isgaadhsiinta ay furnaadaan, dhiirigeliyaan wadahadalka, iyo taageeridda diblomaasiyadda si loo dhammeeyo dagaalka.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog