Thursday, November 23, 2023

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ka shiray xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada

 

Golaha Wasiiradda Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay gurmadka dadka ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Iyada oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya 96.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya

Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shirka guddoominayey, ayaa golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo  ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog