GURIGA »
somalia
» Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inay ka
go’an tahay sidii usoo saari lahaayeen khayraadka dalkeena, kaasi oo uu sheegay
in loo marayo wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadka iyo awoodda qaranka.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo
koraya ee ka qabsoomtay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxa uu sheegay in
Soomaaliya ay tahay dalka qani ku ah khayraadka, islamarkaana ay durba si
firfircoon uga shaqeynayaan qorshayaashii ay Soomaaliya ku gaari laheyd
barwaaqo.
Ka Soomaaliya ahaan waxaa naga go’an sidii aan u soo saaran lahayn
khayraadkeenna una gaari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada
faa’iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qarankeenna. Waxa aan durba si firfircoon
uga shaqeyneynaa barnaamijka dib u habaynta dhaqaalaheenna qaranka si aan
u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku
tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ahaan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u
gaarno,” ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah
xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga
faa’iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi
oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka
iyo adduunka.
Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad
abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha
iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna
iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka
khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in iskaashiga Soomaaliya yahay
mid samaynaya horumar la taaban karo, taasi oo uu xusay in sabab u tahay
dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bah-wadaagta caalamiga ah, oo iyagu sii
wada inay sii garab taagnaadaan xilli Soomaalida ay ku dadaalayso sidii ay ku
gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan maanta.
Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku
oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah,” ayuu
yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in badbaadada bulsheed ee caalamka
aysan noqon wax siin oo kali ah, balse ay noqoto fursado abuuris si loo gaaro
is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayraadkii
bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.
0 Comments:
Post a Comment