GURIGA »
» Ra’iisul Wasaaraha xamze oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa
shalay xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha dowladda Denmark u fadhiya
Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.
Ra’iiusl Wasaare Xamza iyo Danjire Andersen ayaa waxay ka wada-hadleen
xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Denmerk, sida lagu yiri qoraal
kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu Andersen kala hadlay sidii loo
ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad
Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta
dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.
Shantan arrimood ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda, xilli ay dagaal
culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday lagu
xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda.
Danjire Steen Sonne Andersen ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida ay
uga go’an tahay dowladdiisu xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo
nabadda iyo horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda Denmark
taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Danjiraha Andersen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaare Xamza
Cabdi Barre uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga
oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa.
0 Comments:
Post a Comment