Saturday, August 5, 2023

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wafdiga Sacuudiga kala hadlaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo maalgashiga

 

Sacuudiga iyo somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Dr.

Madaxweynaha ayaa dhambaal ka guddoomay wafdiga Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, taasoo ay ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah heerar kala duwan.

Madaxweynaha oo kulanka ku wehliyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa wafdiga Sacuudiga kala hadlay iskaashiga dhinacyada amniga iyo maalgashiga, wuxuuna Madaxweynuhu daboolka ka qaaday fursadaha maalgashi ee ka jira dalkiisa iyo dadaallo ay dowladdiisu ku dhiirigelisay maalgashadayaasha, isagoo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay ka qaybgalka Boqortooyada ee dib u dhiska Soomaaliya.

Mr. Ahmed bin Abdulaziz, Lataliyaha Maxkamadda Boqortooyada, ayaa dhankiisa war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirka Amniga, Maxamed Axmed Sheekh, ku xaqiijiyay in Boqortooyada Sacuudiga ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada ammaanka iyo maalgashiga. Ujeeddada ah in la helo xasillooni iyo kor u qaadista fursadaha horumarineed ee dalka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Boqortooyada Sacuudiga, isagoo carabka ku adkeeyay in iskaashiga Soomaaliya iyo Sacuudiga uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii loo heli lahaa xasilooni iyo horumarinta dalka.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog